Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Muxuu ka yiri taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar shaqo joojintii lagu sameeyay?

Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar; General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile):

Muqdisho (Halqaran.com) – General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile), Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar ayaa waxaa uu ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ka dib markii lagu eedeeyay in maxbuus xanuunsanaa uu ka soo saaray isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Asluubta, G/sare Cabdikhani Maxamed Khaliif oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Asluubta uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe, lana magacaabay guddi baaritaan ku sameeya arrintaasi, dibna ay ugala soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qarankaba.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada shaqada joojiyay, isla-markaana uu diyaar u yahay in uu sharciga wajaho, waa haddii wax khalad/dembi ah lagu helo.

Taliyaha ayaa tilmaamay inuu ilaaliyay shuruucda Ciidamada Asluubta, isla-markaana uu si sharciya kula dhaqmay maxbuuska, isaga oo aan ogayn laga kaxeeyay Isbitaal Martiini, lana geeyay isbitaal kale oo gaar loo leeyahay.

Taliyaha ayaa xusay marka ay xanuuno la soo dersaan maxaabiista in uu sharciga dhgayo in lagu daweeyo isbitaalada ay maamusho dowladda, oo aan la gayn karin isbitaalada kale ee gaarka loo leeyahay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayaa wuxuu ku xukunaa sideed sano oo loogu xukumay fal burcadnimo. Taliyaha ayaana sheegay in uu ka hortagey in ninkaasi laga fakiyo gacanta sharciga.

General Xirsiile ayaa warkan ku sheegay qoraal uu walaalkii ka soo xigtay, oo bulshada lagula wadaagay shabakadaha ay dadweynuhu ku wada xiriiraan.

Dowladda Federaalka ayaa dhaliil xoogan kala kulantay dadka wax ku qora barraha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in maxbuus xanuunsanaa loo diiday in lagu daweeyo isbitaal ka madaxbannaan kuwa dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...