Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo sheegtay in Sagaal qof ay ku dishay gudaha dalka Kenya

Gaarisa (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerar cusub oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya inay ku dileen 9 ruux oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda Kenya.

Maleeshiyo hubeysan ayaa weerarkan ku qaaday dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaarisa, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay sagaalka ruux ee la dilay inay ahaayeen Kirishtaan, islamarkaana dilkooda ay ka dambeeyeen Al Shabaab.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya, kaasi oo ay kaga hadlayaan dadkaan Shaqaalaha dowladda ee Shabaab ay dileen.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Kenya waxa ay ku dileen illaa 11 qof oo ay kala dageen bas ay saarnaayeen.

Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa noqday mid sii xumaanaya, maadaama ay ku kordhayaan weerarada Shabaab halkaasi ay ka gaystaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...