Thursday, July 9, 2026
25.9 C
Mogadishu

SPORTS: Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka badiyay dhiggooda dalka Burundi

Burundi (Halqaran.com) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa 1-0 kaga badiyay dhiggooga waddanka Burundi, kadib markii ay maanta oo Jimce ah isku arkeen ciyaar qeyb ka ahayd tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Labada kooxood oo ku wada jira horinta koowaad ee “A” ama (Group A) ayaa yeeshay ciyaartoodii ugu horreysay. Ciyaaroyga xulka Soomaaliya ee lagu magacaabo Cumar Maxamed ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqaddii 40-aad ee ciyaarta.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh, inkastoo ciyaartoy calaamadda guduudan laga siiyay xulka Burundi, kaasoo laga saaray garoonka.

Xulka Burundi oo gurigeeda marti loogu ahaa ayaa la filayay inay ka faa’iideysato fursaddaas ay wareegga afaraad isaga hor imaadeen Soomaaliya.

Horinta Group A, waxaa ku jira Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo Burundi. Soomaaliya ayaa saddexdii kulan ee hore labo ka mid ah laga badiyay, markii ay ka hor tagtay Uganda iyo Eritrea, halka midna ay barbarro la gashay xulka waddanka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...