Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii Wasiir Beyle iyo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu Sabtidii maanta la kulmay Taiyahaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo Xoogga Dalka ka tirsan.

Wasiirka ayaa wuxuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka kala hadlay arrimo ku aadan ciidamada, xilli dhawaan la kordhiyay mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida. Askari kasta ayaa wuxuu hadda uu mushaar ahaan u qaadanaya laba boqol oo dollar, halka oo horey u qaadan jiray boqol iyo soddon dollar.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo Taliyaha iyo Saraakiishii la socotay ku qaabilay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dardar-gelisay hawsha dib u habaynta ee Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan ka wada hadalnay hawsha dib u habeanta ciidamada iyo faa’iidada ay leedahay diiwaangelinta casriga ah ee (Biometric). Muhiimadeena 1aad waa ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano.” Ayuu yiri wasiir Beyle oo ka hadlayay waxyaabaha ay ka wada hadleen taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiishii kale ee uu la kulmay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...