Sunday, December 7, 2025
26 C
Mogadishu

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidyay Maxaabiis ku xirnaa Xabsiyada Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne oo summaddeedu  Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus.

Wareegtada Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in cafiskan uusan saamayn ku laheyn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Ugu dambeyn, waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan ayaa lagu yiri” Wareegtada Madaxweynaha Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...