Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta billaabay diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa 9 kursi oo Golaha Shacabka ah oo todobaadkii hore uu isla guddigaan shaaciyay.

20ka illaa 22-ka November 2021 waxaa kaararka aqoonsiga qaadanaya Musharixiinta u tartameysa sagaalka kursi, waxaana ay marayaan buuxinta shuruudaha uu diyaariyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka sida in uu musharaxa shubo lacagta la hordhigay.

Gobolada Waqooyi oo doorashadooda ay ka dhacayso Muqdisho ayaa ah halkii lagu daahfuray doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here