Dhuusamareeb(Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhaw ka hadlay  Xaaladda Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac iyo xoogaga Ahlusunna.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid walbo oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug,waxa uuna yiri“Duulaan hubeysan ayey soo qaadeyn Kooxda Ahlusuna ,magac aan Diin ka turjimeen ayey dadka ku qaldayaan,Dowladda Galmudug waxa ay ku qasban tahay in ay is difaacdo Mowqifka Galmudug waa in aysan aqbaleyn xoog iyo qori caaradiis, waxaa jira dhinacyo taageera dagaalka Guracel,cadeymo ayaana u heynaa” ayuu yiri madaxweyne Qoor qoor”

Siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa ku kala qeyb samay dagaalka Guriceel, kuwaas oo qaarkood qaba in dagaal Ahlusunna looga saaro Guriceel halka kuwa qaar ay soo jeediyeen in wada-hadal wax walba lagu dhameeyo.

“Waxaan la soconaa dhinacyo gadaal ka taagan dhibaatadda Galmudug gaar ahaan Guriceel oo  oo gacan-siinaya oo Somali iyo ajaanib leh” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Waxa uu hadalkiisa ku daray ”Aad baan ugu xumahay in aan 2021 arragno dad si raqiiskaas ah dad u fekaraya oo dhibaato uga shaqaynaya dad, deegaan iyo dowlad walaalahooda ah cadaymaheedana ayaan haynaa waana soo bandhigaynaa”

Sidoo kale madaxweyne qoor qoor ayaa ugu baaqay dhammaan qof kasta oo reer galmdug ah inay caawiyaan dadka masaakiinta ah ee kasoo cararay dagaaladii kasocday Magaalaada Guriceel .

Ugu dambeyn Waxa uu sheegay in Guddi wasiiro ah iyo masuuliyiin kala duwan loo sameen doono inay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameen doono dadkaasi .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here