Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta gareen iyo Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan ayaa Ka wada hadalnay Arimaha Doorashayoonka, Nabadeenta Madaxda Qaranka iyo Dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.

James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen, Swan ayaa dhanka kale Madaxweynha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Lafta gareen ayaa Saaxibada Beesha Caalamka uga mahadceliyey Doorka ay ka qaadanayaan,Qabsoomida Doorashada,Xaqiijinta Amniga iyo Hirgelinta Mashaariicda waxaana uu xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka goan tahay inay sida ugu dhow ay uqabato Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here