Muqdisho (Halqaran.com) –  Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya waxaa shir xasaasi ah ku yeeashay Madaxweynaha DFS ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan Agaasimaha KMG ee NISA ee uu Magacaabay RW Rooble Bashiir Goobe & Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay sidoo kale goobjoog ahaa madaxweynaha Maamul Goboledka  Koonfur Galbeed Abdi Casiis Maxamed lafta gareen  oo garwadeen ka ah wada-hadallada socda, waxaana diiradda lagu soo saaray, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya   in kulanku uu ahaa mid hordhac  iyo wada  sheekeysi, laguna balamay in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn xudunta khilaafka labada dhinac haddana wararka qaar ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku hayo oo waliba ay adkaatay in xal laga gaaro ay yihiin laba qodob oo kale ah arrinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo arrinta taliyaasha nabad sugidda ee ay kala magacaabeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa Rooble.

Sidoo kale Warar aan helnay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Rooble ee Wasiirka Amniga, balse uu ku adkeystay in Agaasimaha KMG ee NISA uu isaga Magacaabo, iyadoo Caawa lagu wado in Farmaajo iyo Rooble ay yeeshaan kulan waji ka waji ah si ay khilaafka ka dhex jira u dhameeyaan waxaana goob joog ka ahaan doona Madaxweyne Lafta gareen.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here