Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falkii ay Al-Shabaab ku gubeen Dameero iyo raashinkii saarnaa oo ku sii jeeday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay falkii ka dhacay duleedka Waajid ee lagu gubay Gaari Dameero waday Raashinka noocyadiisa kala duwan oo loo waday ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan degmadaas.

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble

Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale ayuu yiri” RW Rooble.

Waxaa uu ku amaanay Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna ayuu sii raaciyay hadalkiisa Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba Al-shabaab ayaa muddo sanado ah Go’doomiyey degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo horey dhacday in gaadiid Raashin iyo kuwo Dhuxul waday lagu waday duleedka degmadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here