Muqdisho (Halqaran Maanta oo kale afar sano ka hor ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska soobe 14-kii, October sanadkii 2017, ayna ku dhinteen boqolaal qof oo dad shacab ahaa.

Sida La Sheegay Nin la socday gaari nooca xamuulka ee (TM-ka) loo yaqaano, lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isu qarxiyay Isgoyska soobe ee Magaalada Muqdisho, xilli laamaha ammaanka la sheegay inay gaarigaasi ku daba jooggeen kadib Halmar aya waxaa dhacay qarax weyn oo galaaftay nolosha ugu yaraan 578 iyo dhaawac aan xad laheyn , islamarkaana geystay burbur xooggan oo hantiyeed iyo dhaawac maskaxeed.

Qaraxaasi foosha xun ayaa waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burburiyey hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal.

Qaraxan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, marka aad eegto boqolaalka qof ee mar qura ku dhintay hal qarax oo keliya.

Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo oo loo sameeyo qeybihiii bulshada ee naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo shan sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho,kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Jawaabo wax ku ool ah oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhaliyay in si  degdeg ah loogu gurmado ehelada qeybihii bulshada ee la kulamay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Haddaba,waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Si kastaba afar sanno kahor sanadkii 2017 qaraxii xooganaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaraxaas khasaaraha badan dhaliyey lagu tilmaamay inuu ahaa mid mideeyay shacabka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here