Muqdisho (Halqaran.com) –Warbixin kasoo baxday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxaa lagu taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa markale diiday qorshahaas.

Dowlada faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyada oo ku sheegtay in aysan ogoleyn in la ballaariyo Qorshaha Howlgalka AMISOM laguna daro howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaliya.

Qoraalka Dowlada  Soomaaliya oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa waxaa sicad  loogu cadeeyay in Soomaaliya ay tahay Dal madax banaan, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo Go,aanka iyo  qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay  2568 soona baxay 2021 kaas oo ogolaanayay in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Sido kale Waxaa xusid mudan bilihii July iyo Agosto ayaa waxaa dhowr  jeer shirk ku yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Guddi  Matalayay Midowga Afrika iyo Mas’uulyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha xoogga Dalka, iyaga oo ka wada hadlay qorshaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Meela badan oo kamid ah Gobolada  dalka .

Halkaan Ka Akhriso:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here