Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday Magaalada London.

Geerida Guddoomiyihii Akadeemiyad Goboleedka geeska Afrika ee Afka Soomaaliga ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kale, waxaana geerida  Dr. Maxamed Daahir ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin.

Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Afrax wuxuu Guddoomiyihii Ururka Somali Pen oo ay ku mideysnaayeen Qoraayaal Soomaaliyeed, isagoo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku qora afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee uu Marxuumku ka soo qaatay u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta afka iyo qoraalka. Marxuumka oo ahaa qoraa iyo bare sare oo aad loogu yaqaanno Cilmiga Afafka ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd, isaga oo hadda hayey xilalka kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ahaa qoraa kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo Ummadda uga tagay dhiganeyaal dhaxal reeb ah.”

MadaxweyneFarmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here