Muqdisho(Halqaran.com) Qareeno Soomaaliyeed oo fadhigooda yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee dagaalka ICC ee xarunteeda tahay magaalada The Hague.

 

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dacwadan ay u gudbiyeen Maxkamadda ICC ay tahay afar kiis.

 

Waxaa uu sheegay in Maxkamada ay qabatay, islamarkaana ay soo sugayaan xilli ayguda gali doono in ay shaaciso.

Afar Kiis oo kala ah: Arrinta Ikraan Tahliil oo ah sarkaalad katirsan Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo la waayay 26-kii June 2021 ayaa ugu horreeya gal-dacwadeedka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Kiiska labaad waa Dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo waqtigii doorashada Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen gaar ahaan shacab dibadbax ka dhigay Magaaladaas oo kasoo horjeeday in la xiro Muqtaar Roobow oo musharax ahaa.

Qodobka saddexaad ee dacwadda waa Cunaqabateyntii Dowladda Federaalka ay kusoo rogtay Xarunta KMG ah ee DG Jubbaland kaddib markii ay ka joojisay duullimaadyadii diyaaradaha taasi waxaa ka dhashay dhibaatooyin Bani aadamnimo.

Dacwadda 4-aad ee waa Dhalinyaradii loo qaaday dalka Eretareeya oo la sheegay in ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Waqooyiga Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here