Buule-Burde(Halqaran.com)  -Wararka aan ka heleeno Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay qaraxyo iskugu jira bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo miinada nooceeda dhulka lagu aaso ay ku weerareen garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burde kana tirsan Gobolka Hiiraan

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa saameyn ay ku yeesheen dhismaha garoonkaasi oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir ballaaran.

Dhismaha garoonka ayaa gabi ahaan burburay, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay ka dhaceen qaraxyadaasi.

Dhismayaasha qaraxyada lagu burburiyay ayaa loogu tala galay in dadka safraya iyo kuwa ka soo degaya garoonka diyaarada Buuloburde in ay ku nastaan sida ay xaqiijiyeen dhowr ilo wareed .

Garoonka diyaaradaha ee uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa si wada jira uga howlgala Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

waxaa ku dhintay qaraxyadan ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Sheegayaan dadka deegaanka  oo ku sugan Halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howl-gala Buulo-burte ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmadaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here