Norway (Halqaran.com)  Maryan Cabdi Xuseen oo ah Haweeney Asal ahaan Soomaali ah una tartameysay Kursiga Baarlamaanka Oslo tan & December 2020 ayaa ku guuleysatay in ay metasho Xisbiga SV ee Dalka Norway.

Waxa ay noqotay gabahdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo xubin ka noqota Baarlamaanka Norway, sidoo kale waa haweeneydii ugu horreysay Aqalka Baarlamaankaas gasha iyada oo xijaaban.

Maryan ayaa inta aysan siyaasadda galin aheyd guddoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Norway( Somalisk Student forening, SSF) oo uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre dadkii aas-aasay 1993.

Qoraal uu soo saaray Xasan Kheyr ayuu ugu hambalyeeyay Maryan Cabdi Xuseen guusha ay gaartay, maadaama ay noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda Baarlamaanka dalka Norway.

“Xildhibaanka cusub iyo dhamaan Soomaalida kunool Norway, waxaan u diriyaa hanbalyo ku aadan guusha taariikhiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here