Muqdisho (Halqaran.com) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ugu horreyn hooyo Qaali ayaa Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan.

“Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho.

Halka hoose ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad;

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here