Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay doorashadii Afar ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee BF Soomaaliya ku matalaysa dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa ku tartamayay ilaa iyo 8 Musharrax.

Kurisiga Koowaad, ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid, balse waxaa 55 Cod ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod.

Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, balse Axmed Maxamed Jaamac uu tanaasulay.

Waxaana 71 Mudane ay u codeeyeen in Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu noqdo Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee BF Soomaaliya.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.

Ugu dambeyn, Kursiga Afaraad ee doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, balse Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana Iftiin Xasan Iimaan Baasto uu gacan taag ah ku noqday Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee BF Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u hambalyeeyey Xildhibaannada cusub ee Aqalka sare ee maanta Kismaayo lagu doortay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here