Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa  Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay  Munaasabadd Ciidul Adxa oo beri ku beegan.

“Dhammaan shacuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan waxaan rabaa inaan halkan idinkaga hambalyeeyo ciida barakeysan ee ciidul Adxa, waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman

Guddomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa guud ahaan Ummdda Muslimiinta, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogan uga hambalyeeyey Ciida Carafo Islamarkana u rajeeyey inay farxad ku ciidaan.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ku hadlaya afka mudanayaasha golaha shacab ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku bogaadiyey inay is garab istaagan islamarkana ay ka shaqeeyaan nabada, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here