Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtidii maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.

Laamigaan oo ka mid ahaa waddooyinka bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hoggaamiyo Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u fuliyay Mashaariicyo badan oo dib u dhis loogu sameenayo waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho:

Hayeeshee waxaa jira waddooyin badan oo qarka u saaran inay go’aan, kuwaas oo dhibaato ay ku qabaan dadka Shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here