Cabdi Cali Raage

Kismaayo (Halqaran.com) – La taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raage ayaa maanta garoonka diyaaradaha Kismaayo laga soo celiyay,.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka degtay garoonka Kismaayo lagu wargeliyay in dadka saran dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho, waxan dadkaasi kamid ahaa Cabdi Cali Raage oo sidoo kale ah Musharax Xildhibaan.

Qaar kamid ah siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa warkaan xaqiijiyay, iyaga oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qof musharax Xildhibaan ah laga loo diido in uu tago Magaalada kismaayo.

Sidoo kale, Cabdi Cali Raage oo mar soo noqday la Taliye Sare Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da taliyaha Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Cali Raage ayaa faah-faahiyay qaabka looga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here