Feeryahan Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa ciyaaraha feerka Olombikada Tokyo ee sanadkan.

Tokyo (Halqaran.com) – Ramla Cali oo ah feeryahanad ayaa Soomaaliya ku meteleysa ciyaaraha Olympics ee Sanadkan 2021-ka ka billaaban doona dhammaadka bishan July magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Ramla ayaa waxa ay samaysay 10 sanno oo tababar ah, si ay Qaranka Soomaaliyeed Guul ugu soo hoyso Ciyaaraha ka dhacaya Jaban, sida ay ku sheegtay Barteeda Twiterka .

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guul u rajeyeey Ramla Cali.

Sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed ayaa kalsooni buuxda ku qaba inay Ramla guul taariikhi ah ka keeni doonto ciyaaraha Olympics, iyagoo umuujinaya Taageero iyo garab istaag aan kala sooc lahayn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here