Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Qoorqoor

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynaha maamulka Galmudug ‘Qoorqoor‘ inuu si dhaqso ah u soo magacaabo Liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayay muddo toddobaad ah.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye in uu la soo daahay Magacaabista xubnihii guddiga doorashooyinka ee loo gudbiyay.

Waxa uu sidoo kale uu ka dalbaday in dhammaan sida maamulada kale ay Galmudug u soo gudbiso xubnaha guddiga doorashooyinka.

“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin. Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here