Gaalkacyo (Halqaran.com) – Maxkamad ku taal magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta xukun ku riday illaa iyo 18 rag ah.

Toddobo iyo toban kamid ah raggaan ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Ragan ayaa ku eedeysan in magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah inay ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux.

Dadkan ay laayeen ayaa isugu jirey xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah.

Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano, Sidoo kale, xubnahan waxey ku eedeysan yihiin inay kamid yihiin ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee Puntland, ayaa sheegtay raggan inay isugu jireen qeybo kala duwan oo Al-Shabaab ah.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyn abid ee dil toogasho ah mar qura lagu xukumo taariikhda Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here