DF oo war kasoo saartay ciidamada la geeyay Eritrea

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warbixinta baaraha guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey oo dhawaan soo saaray taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigraay ee dalka Ethiopia.

Waxaa uu sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay aysan heysan wax daliil ah uu tusaya waxa ay sheegayaan, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyiin dano gaar ah ka raadinaya ay arrintaas buun buuninayaan.

Wasiir Dubbe, waxaa uu tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea uusan ka qeyb galin dagaalka Itoobiya isla markaana aaney jirin baahi arrintaas loo qabo.

Cismaan Abuukar Dubbe, waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee maalin kasta ka hadla arrinta ciidanka Eritrea jooga aysan marna soo hadal qaadin dhibaatada Kenya ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Jubbooyinka.

Wasiir Dubbe  ayaa sheegay in dowladdu ay dhalinyaro tababar u dirtay, balse aysan jirin in laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya.

Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ay dhigaayeen waalidiinta dhalay dhalinyaradaas kuwaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in caruurtooda meel lagu sheego, sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in ay madaxda talada dalka haya ay iibsadeen dhalinyaradaas sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here