Dowlad xeelad yaab leh u adeegsatay qabashada weriye mucaarad ku ahaa!

Roman Protasevich oo ah weriye dibad joog ah una dhashay Belarus oo dhaliila hoggaamiyaha dalkaas ayaa si khasab ah loogu celiyay Belarus

Belarus (Halqaran.com) – Roman Protasevich oo ah weriye dibad joog ah una dhashay waddanka Belarus kaasoo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas ayaa kasoo duulay waddanka Greece-ka isagoona ku sii jeeday dalka Lithuania, balse intii aysan gaarin Lithuania waxaa si khasab ah loogu dajiyay caasimadda Belarus ee Minsk.

Iyadoona waddamada Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Belarus inay afduubtay diyaaradda Ryanair oo laga leeyahay dalka Ireland si ay u xirto weriyahan mucaaradka ah.

Duulimaadkan ayaa kasoo kaci timay caasimadda Greece-ka ee Athens iyadoo ku sii jeeday Lithuania, waxaana diyaarad dagaal oo ay leedahay Belarus ay ku amartay in diyaaradda lagu dajiyo caasimadda Belarus ee Minsk.

Booliska ayaa markaa kadib kaxeystay Mr Protasevich markii rakaabkii diyaaradda oo ahaa 126 ay ka dageen, Belarus ayaa ah dalka kaliya ee katirsan Midowga Yurub taasoo fulisa xukumada khisaasta, Mr Protasevich ayaa u sheegay rakaabkii la socday inuu ka cabsi qabo inuu la kulmi doono ciqaab dil ah.

Sidoo kale madaxa fulinta shirkadda Ryanair Michael O’Leary ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in diyaaradda ay raaceen basaasiin u shaqeeya Belarus kuwaasoo la sheegay inay qeyb weyn ku lahaayeen afduubka, iyadoo aanan si madax banaan loo xaqiijin karin.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here