AKHRISO: Dalal ku yaalla qaaradda Afrika oo maanta laga ciidayo

Dalal Afrika ku yaalla oo maanta laga ciidayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Waddamo ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika ayaa maanta waxa ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, iyada oo dunida muslimka laga sooman yahay.

Dalalkaas laga ciidayo waxaa ka mid ah Senegal, Mali, Niger iyo Ivory Coast, iyagoo sheegay in bisha soonfur laga arkay waddamadooda.

Dhanka kalena waxaa maanta oo Arbaca ah laga ciidayaa deegaannada ay maamulaan ururka Al-Shabaab, iyagoo shaaciyey in qaar ka mid ah deegaannadooda laga arkay bisha Soonfur sidaasna ay maanta ku tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Inta badan dalalka caalamka ayaa sheegay in maanta la dhammeystirayo 30-ka bisha Ramadan, iyadoona berri oo Khamiis ah ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here