DHAGEYSO: Kulankii Baarlamaanka Somaliya ee maanta oo lagu kala dareeray

Kulankii Golaha Shacabke ee BF Soomaaliya ee maanta lagu kala dareeray

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulankii golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, ee Sabtida maanta la filyay in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu kala kacay, kaddib markii furitaanka kulanka ay ku kala qeybsameen Xildhibaannada.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa sida xalay farriinta loogu diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hadlidda caabuqa Coronavirus (Covid-19), balse ay sheegeen in ajandaha uu ku hoos qarsan yahay ajanda kale oo ah in muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dastuurkiga ah ee dalka.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya sababta ugu weyn ee u baaqday ayaa lagu sheegay, in xildhibaannada mucaaradka qaarkood ay diideen inay saxiixaan buuga lagu xaadiriyo Xildhibaannada.

Si kastaba, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in tiro yar oo kamid ah golaha Shacabka ay arbushaad ku sameeyeen qabsoomida kulanka, waxaana jiray buuq ay sameeyeen Xildhibaannada qaarkood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada is hortaagga sameeyay in la soo qoro, si tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka looga qaado.

Xildhibaan Caanonuug oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in Baarlamaanka uu waqtigiisa dhammaaday, wuxuu ka shaqeynayana uu yahay wax sharci darro ah.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xildhibaan Caanonuug:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here