DHAGEYSO: Cabdirashiid Janan oo shaaciyay sababaha keenay inuu la heshiiyo DF Soomaaliya

Wasiirkii hore ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Janan /Sawir hore /Keydka

Beled-Xaawo (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo Arbacadii maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay sababaha keenay in uu la heshiiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Mr Cabdirashiid Janan oo maanta goob fagaaro ah kula hadlayay Shacabkii soo dhaweeyay ayaa ku sheegay sababta uu ula heshiiyay dowladda Soomaaliya, in Shacbaka Gobolka Gedo ay heystaan dhibatooyin ay kamid yihiin, Abaarta, Xanuun iyo Soo labo kacleynta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatooynka kajira Gobolka Gedo aawgeed uu u qaatay go’an kasta, waxaana uu si cad u sheegay in mardambe aysan colaad ka dhici doonin deegaannada Gobolka Gedo.

“Waxaa rabaa in aan maanta idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Cabdirashiid Janaan wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubbaland mar uu maanta la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sidoo kale xusay sababaha keenay in uu la heshiiyo DF Soomaaliya.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Cabdirashiid Janan:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here