Wararkii ugu dambeeyay dad shacab ah oo lagu laayay Galgaduud +(Magacyadooda)

Galgaduud (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay galabta deegaan ka tirsan Gobolkaasi ay ku laayay dad Shacab ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysnaa oo ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay laba Gaari oo nooca dagaalka ah ay tageen Deegaanka Xirsi Lugeey oo ku yaal inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balanballe, balse 7 Kilometer degmada Balanballe ,iyaga oo rasaaseeyay dad ku sugnaa Guri ku yaalla deegaankaas, isla markaana goobta ka baxsaday.

Wararka ay helayso Halqaran News ayaa intaasi ku daraya, in goobta ay ku geriyoodeen Shan ruux, halka laba kale uu dhaawac culus gaaray, isla markaana falkaasi uu la xiriiro aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Galgaduud.

Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa kujira Macalin Dugsi Qur’aan, iyadoo dadka werarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

Magacada dadka halkaasi ku dhintay ayaa waxaa lagu kala sheegay, Gaarane Xawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi yare Maxamed Ow Faarax, Cadawe Xersi lugeey, Ibnu Cali Dheere Xirsi Cawaale.

Si kastaba, dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo kordhay deegaannada Galmudug, iyada oo madaxweynaha Galmudug oo aheyd in uu wax ka qabto uu arrimo siyaasadeed u joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here