Muqdisho: DFS oo dib u furtay waddo dhowr sano xirneyd

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa muddo dhowr sano ah kadib waxaa ay Talaadadii maanta dib u fureen Wadada laamiga ah ee hormarta Xarunta Hay’adda dambi baarista Booliska ee CID-da

Wadada ayaa waxaa yaalay Saanbaagyada ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM oo carro farabadan laga buuxiyay, waxaana ay hay’adaha amniga u xireen sababo la xiriira dhanka Amniga, kadib markii dhowr jeer Xarunta qaraxyo gaari lagu weeraray.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in wadadaas sirasmi ah loo furay, kadib markii ay hay’adaha amniga ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarada qaraxyada ah oo ay geysan jireen Al-Shabaab.

Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta kula hadlay Wadada la furay ayaa sheegay in sidoo kale lagu howlan yahay in dib loo furo waddooyinka kale ee xiran ee ku yaal Magaalada Muqdisho.

Wadada laamiga ah ee hormarta Xarunta Hay’adda dambi baarista Booliska ee CID-da ayaa waxaa maristeeda dhibaatooyin kala duwan ku qabay gaadiidka dadweynaha, waxaana kajiray ciriiri farabadan oo sabab u ah dhagxaan waaweyn iyo Saanbaagyo laga buuxiyay Carro farabadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.cmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here