Wararkii ugu dambeeyay dagaal dhimasho sababay oo dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta

Itoobiya (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in dagaal uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, dagaalkan oo u dhexmaray ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidanka Canfarta ay weerareen tuulooyinka Gadhmalu, mayran,  kaldhash ee galbeedka City degaanka Soomaalida, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 8 ruux halka ku dhawaad 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira labada dhinac iyo dad Shacab  ah.

Xaalada kacsanaan ah ayaa waxaa weli laga dareemayaa ilaa 7 tuulo oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo dhowr ah oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida kana tegay Magaalada Jigjiga ay gaareen, halka dagaalka uu ka dhacay, iyaga oo u gurmayay Ciidamada la weeraray.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Canfarta weli kama hadlin dagaalka, iyada oo shalay sidaan oo kale ay dagaalo uga dhaceen gobolka City ee Galbeedka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here