XOG CUSUB: Beesha Caalamka oo soo faragelisay arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xubnaha Beesha Caalamka oo bilaabay inay fargeliyaan arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay, kaddib markii musharraxiiinta qaar ee Madaxweynaha Soomaaliya ay ka soo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ay magacawday dowladda Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa waxaa ay kulan dhinaca Internet-ka ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, iyaga oo sidoo kale oo dhaweeyay safarkii la xiriira doorashooyinka socda ee uu dhawaan ku tagay Ra’iisul Wasaare Rooble Magaalada Baydhabo, islamarkaana uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee lala yeelanayo hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayey Qaramada Midoobay iyo xubno ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda, waxayna soo dhoweeyeen safaradiisa qorshaysan ee uu kula kulmayo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, oo uu ku bilaabay booqasho uu dhowaan ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya‘‘ ayaa lagu yiri war ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Xubnaha Beesha Caalamka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana shalay Garoowe tegay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorasho heshiis lagu wada yahay, waxaana Madaxweynaha Puntland uu Xubnaha Beesha Caalamka la wadaagay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro, sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada hadalka dhexdooda ah, iyo sidoo kale in la sii xoojiyo dareen ku dhisan is afgarad, kaas oo dhowaanahan horumar sameeyey xilli diyaar-garowga doorashooyinka qaranku ay socdaan.

Sidoo kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa horay ula kulmay Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee shirarka ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan la filayaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya si xal looga gaaro Arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here