Madasha Xisbiyada Qaran oo war cusub ka soo saaray Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayna ku midoobeen ilaa lix Xisbi Siyaasadeed ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Magacaaban.

War qoraal oo ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in lagu cambaareynayo in Xubnaha Guddiyada laga soo xulay Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, islamarkaana taasi ay baalmarsan tahay shuruucda u yaalla dalka iyo heshiiskii doorasho ee la gaaray.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale xustay, in Xukuumadda Soomaaliya aysan wax Sharci ah u laheyn soo Magacaabida Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland, islamarkaana taasi ay gef ku tahay nidaamka metelaada dalka iyo isu dheelitirnaanta iyo madax bannaanida Guddiyada.

”Madasha Xisbiyada Qaran waxaa ay ku baaqeysaa  in si lamid ah  hanaankii doorashada 2016-kii  lagu maareeyo kuraasta iyo Magcaabida Xubnaha Guddiyada doorashada ee kuraasta Soomaaliland loona madax bannaaneeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare  hoggaaminta iyo Magacaabida Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka maadaama uu kamid yahay hoggaanka ugu sareeya dalka kana soo jeedo gobolada Waqooyi” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu dambeyn, sheegay inay kasii afeefanayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo isqab qabsi shaki geliya madax bannaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee, guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo ay Magacaabeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa walaac ka muujiyay oo sheegay in Hay’adda NISA iyo Madaxtooyada laga soo xulay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta Mucaaradka, qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo dalbaday in dib loogu laabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here