Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta madasha ee magaalada Muqdisho kula kulmay hoggaanka dhaqanka beesha muddulood.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Waxaa kulankan looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay Shir dhawaan magaalada Muqdisho uga furmi doona beesha Muddulood, kaasi oo lagu wado in uu qabsoomo 13-ka bishaan July .

Waxaana shirkaasi ka soo qeybgeli doona dhammaan xubnaha beesha ku matala dowladda iyo siyaasiyiinta kale.

Kulanka madaxda Madasha xisbiyada Qaran iyo hoggaanka dhaqanka beesha muddulood ayaa ku soo dhammaaday jawi deggan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Wadanka waa in laga xoreeyaa Mudulood, maanta Qoorqoor ayaa lagu doorayaa, Dhuusamareeb isaga oo noqonayaa madaxa madasha maamulda, arrima kalena wey soo socdaan, maalin kasta ,ma waxaan ku jireynaa Mudulood baa shiraya, iyo wax baan soo dhacsaney, war xishooda, ma geel baa la idinka dhacay eed soo dhacsateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here