Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowladd goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa faah faahin ka bixiyay shirka 9 Bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ka furmi raba Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay shirkaasi Madaxda dowlad Goboledyada inay uga tashanayaan aayaha dalka, maadaama waqtiga kala guurka ah hadda lagu jiro.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa in Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ay caddeysay in Muddo xileedka Madaxda hadda aysan doorasho ku qaban karin oo ay u baahan tahay Muddo 13 bilood.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in xalkii Sharciga ahaa ee loogu tala galay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo uu soo xirmay, islamarkaana hadda loo baahan yahay xal Siyaasi ah.

Wuxuu Deni xusay, in Madaxda maamul goboleedyadda ay ka wada hadli doonaan sidii loo heli lahaa xal ku aadan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay ayna diyaarin doonaan kulan dhexmara maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda dhexe.

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag u qaadacay ka qaybgalka Shirka Amniga Qaranka oo Madaxweynaha JF Soomaaliya,  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here