Maxkamadda CQS oo dil ku xukuntay askari dilay laba qof oo shacab ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta waxaa ay xukun dil ah ku riday askari ka tirsan Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Boondhere, kaas oo 24-Kii bishii April xilli habeen ah Magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.

Askariga oo lagu Magacaabo Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa waxaa 1-dii Bishii Ramadaan uu agagaarka Isgoyska Jubba, iyada oo uu magaalada Bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.

Dhageysiga dhacwadan oo soo martay heerar kala ayaa ugu dambeyn Khamiistii maanta waxa ay gaartay maxkamadda qalabka sida go’aan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay marqaatiyaal iyo cadeymo la horkeenay maxkamadda kadib, inay ku cadaatay dilka uu gaystay askarigan, waxaana Maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho.

Xukunka lagu riday askarigan ayaa waxaa uga furan racfaan muddo bil ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda.

Si kastaba, askariga maanta la xukumay ayaa labadii ruux ee uu horay u dilay waxaa ka dhashay dilkoodii Banaanbaxyo sababay in la jeex jeexo Sawirka Madaxweynaha JFS & in dad careysan ay kiciyaan Banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here