Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah mar kale dood adag waxa ay ka yeelan doonaan Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.

Xeerkaan wuxuu noqday mid adag marka loo eego sida Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu kala qeybsameen, maadaama dooda Xildhibaanada ay noqotay mid xasaasi ah.

Kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa Ajandihiisa yahay sii wadista dooda Xeerka Metelaada Gobolka Banaadir, waxaana jirta inuu Golaha horyaalo Mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanno gaaraya illaa 130 oo ay ku dalbadeen in la kordhiyo metelaada Gobolka Banaadir

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa doonaya in Kuraasta Aqalka Sare laga siinaayo Gobolka Banaadir ay noqdaan 13 Kursi, halka Guddiga Sharciga diyaarinta ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay soo diyaariyeen 7 Xubnood in la siiyo Gobolka Banaadir.

  Xildhibaanno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa diidan matalaad sax ah inuu yeesho Gobolka Banaadir, halka sidoo kale ay jiraan Xildhibaanno kale oo iyagana ku doodaya in Gobolka Banaadir uu helo matalaad dhab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here