Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa been abuur ku tilmaamay nuqulka Afarta Xeer ee Doorashooyinka ee loo gudbiyay Golaha shacabka Soomaaliya, kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka doodayeen.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay xeerarka sida wadajirka ah u soo diyaariyeen Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ee labada Aqal in aanan loo gudbin Golaha Shacabka Soomaaliya, balse xeer kale oo dano Siyaasadeed laga leeyahay in loo gudbiyay Golaha shacabka taariiqda markii ay aheyd 17kii Bishan.

Wuxuu ka digay guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka, cawaaqib xumo arrintaasi ka dhalan karta, waxaana uu xubnaha Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ugu baaqay xeerkii saxda ahaa ee ay Guddiga Diyaarinta sharciga Doorashooyinka Baarlamaanka ay soo diyaariyeen in loo gudbiyo Golaha Shacabka.

Sida muuqata Cabdi Xaashi ayaa banaanka soo dhigay in isbedel iyo wax isdaba marin lagu sameeyay Sharcigii saxda ahaa ee Guddiga Diyaarinta Sharciga doorashooyinka ay soo gudbiyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here