Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan ayaa Axadda maanta ah xirtay waddooyin ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Daljirka Daahsoon.

Ciidankan ayaa joojiyay dhammaan gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada AMISOM, waxaana ay sheegeen muddo sanad ka badan inaysan qaadan xuquuqdii Mushaar ee DF Somaliya ka sugaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa sheegeen in ay mushaar la’aan yihiin muddo sanad iyo 9 bilood ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in aysan siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka.

Hadalkan kasoo saaray Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu sheegay hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here