Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay qarax miino oo Khamiistii maanta ka dhacay Degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee  Cabdiqaasim Salaad Xasan, meel aan sidaasi uga fogeyn dhismaha Shirkadda Beco halkaasi ay ku leedahay.

Wararka dheeraadka ah ee qaraxan ku soo kordhay ayaa sheegaya dhimashada inay tahay saddex ruux, dhaawacana uu yahay laba ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jira hooyo iyo Canug yar ay dhashay, Sidoo kale wadihii Mooto Bajaajta ay saarnaayeen hooyada geeriyootay iyo canuga ay dhashay.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meydadka saddexda ruux loo qaaday Isbitaalka Madiina, halka dhaawacana la geeyay isla Isbitaalkaas si loogu dabiibo.

Wadadan qaraxa miinada lagu aasay ayaa inta badan waxaa mara gaadiidka Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Cabdi bilayaasha ka yimaado dhanka wadada Tarabuunka, waxaana wadadan ay ka mid noqotay wadooyinka ugu nugul ee qaraxyada qarsoodiga ahi lagu aaso.

Muddooyinkan dambe ammaanka Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid hagaagsan oo ciidamada ay ku dadaaleen, inkastoo xilliyada qaarkood ay magaaalda ka dhacaan miinooyinka dhulka hoostooda lagu aaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here