Muqdisho (Halqaran.com) – Soomaaliya bukaankii ugu horeeyay ee laga helo cudurka COVID-19 waxaa la ogaaday 16-kii bishii Maarso ee sanadkan, waxana maanta Soomaaliya u buuxsantay saddex bilood tan iyo markii cudurka lagu dhaawaqay inuu Soomaaliya ka jiro.

Saddexdaas bilood gudahood waxaa cudurka laga helay dad gaaraya 2,642 qof, iyadoo tirada u dhimatay ilaa hadda ee la xaqiijiyay ay gaarayso 88 qof.

Haddaba su’aalaha ugu waaweyn ee la isweydiinayo waxaa ka mid ah; Sidey Soomaaliya cudurka ugu diyaargarowday? Sidii loo baahnaa ma uga jawaab celisay? Caqabado intee in la’eg ayay kala kulantay la tacaalidda cudurka? Maxayse yihiin casharrada laga bartay caqabadihii lala kulmay?.

Dr Ibraahim Guuleed oo ah xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, isla markaana kamid ahaa dhakhaatiirta uu Covid-19 ku dhacay ayaa BBC u sheegay in cudurka uu saameyn ku reebay saraakiisha caafimaadka ee dagaalka kula jiray safmarka.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uusan jirin qalabka baaritaanka markii uu dalka Soomaaliya gaaray fayraska corona.

“Waxaa xaqiiq ah inn xanuunka markii horeba uu saameyn weyn ku yeeshay saraakiisha caafimaadka, taas oo culeys badan u keentay. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay wax badan ka dhaceen oo ah saraakiil badan oo caafimaadka ka shaqeeya oo laf dhabar u ahaa howsha iyo shaqada la qabanayay in hanti-dhawrku ay xabsiga u taxaabeen taas oo dhib badan ku aheyd howshii la waday iyo hanaankii loo shaqeynayay. Dhanka kalena waxaa aad u adkeyd sameynta baaritaanka waqtiga uu xannuunka billaabanayay ama uu socday. Awoodda baaritaanka dalka aad bay u hooseysay,” ayuu yiri.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in haatan uu cudurka ku baahay guud ahaan gobollada dalka isla markaana ay liitaan adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan cisbitaallada ku yaalla gobollada.

“Maanta oo ay saddex bilood kasoo wareegtay, xanuunku wuxuu ku fiday meelo badan oo waddanka ah, gobollada dalka oo dhan buu gaaray. Saameynta ugu badan hadda waxay ka jirtaa gobollada dalka anaga oo og baahiyaha caafimaad ee ka jira meelahaas iyo in ay aad u liitaan adeegyada marka loo barbardhigo caasimadda”

Warbixin kasoo baxday ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay ugu diyaargarowday la tacaalidda cudurka iyo sidoo kale caqabadaha lala kulmay tan iyo markii uu ku faafay gudaha dalka.

Haddaba maxay yihiin cabaqadahaas?

  • Cudurka wuxuu saameeyay howlwadeennada caafimaadka ee dagaalka kula jirtay Covid-19.
  • Habacsanaan ka muuqatay hoggaanka Wasaaradda Caafimaadka iyo xiriirka ka dhexeeyay ha’yadaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha caafimaadka ee fidinayay wacyigelinta ka dhanka Covid-19.
  • Waxaa adkaatay in la baadi goobo dadka la kulmay bukaanada uu ku dhacay cudurka.
  • Xarumihii loogu talagalay in lagu daweeyo bukaanada Covid-19 oo aanan lahayn qalabka bukaanada ka caawiya neefsashada oo ku filan.
  • Awoodda baaritaanka cudurka oo adkaatay bilowgii hore inkasta oo qalabka markii dambe dalka la geeyay, waxaana sidoo kale yaraa howlaha baaritaanka cudurka.
  • Ma jirin Isbtaallo u diyaarsan cilmi baarista ku saabsan howsha iyo dhaqanka cudurka gaar ahaan xarumihii lagu daweynayay bukaannada.

Dr Ibraahim Guuleed waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka, inkasta oo aanan loo hogaansamin dhaqan gelinta talooyinka wasaaradda caafimaadka ay u jeedisay shacabka.

“Iyadoo tallaabooyinkaas la qaaday sidii la rabay uma hirgelin intooda badan, welina faafitaanka cudurkana aad buu u socday, taasina waxay ka dhigan tahay in aanan loo hogaansamin awaamirtii la soo saaray”

Casharrada laga baran karo

Ururka dhaqaatiirta soomaaliyeed waxay soo saareen dhowr qodob oo lagu xoojin karo dadaallada looga hortagayo fiditaanka cudurka ee gudaha Soomaaliya, waxaana kamid ah qodobadaas.

  • In dib u habeyn lagu sameeyo hab-dhismeedka maamulka ha’ayadaha caafimaadka ee la tacaalaya xaaladda cudurka.
  • Baahida loo qabo sameynta guddi heer qaran ah oo ka taliya kana shaqeeya maareynta iyo ka hortagga cudurka.
  • In sare loo qaado tayada macadka cimli baarista caafimaadka, si loo helo cilmi baaris caafimaad oo mustaqbalka wax ka tarta maareynta iyo qorshaha xaaladaha caafimaadka ee degdeg ah.
  • In si buuxda loo qalabeeyo sheybaarka dhexe ee dalka, gaar ah in la kordhiyo qalabka bukaanada ka caawinaya neefsashada.
  • In la qalabeeyo cisbitaalllada dowladda.
  • In tababar loo fidiyo shaqaalaha caafimaadka loona dhameystiro wax kasta oo ay u baahan yihiin.
  • In si deg deg ah looga jawaabo cudurrada dilaaga lagana hortago faafitaankooda.
  • In dhiirrigelin loo sameeyo howlwadeenada caafimaadka ee la tacaalaya xaaladaha bukaanada uu ku dhacay feyraska corona.

Qalabka Soomaaliya ay haysato

Soomaaliya waxaa yaalla 22 xabo oo ventilator ah (qalabka neefta siiya bukaanada uu naqaska ku dhego ee qaba fayraska Covid-19) kuwaas oo badankood ay leeyihiin isbitaallo gaar ah, sida ilo xog-ogaal ah ay BBC-da u sheegeen.

Waxay dowladda hirgelisay xarumo karantiil ah oo lagu hayo dadka looga shakiyay xannuunka, sida ay BBC-da u sheegtay wasiirka caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur.

Xarumaha haatan lagu daweeyo bukaannada uu ku dhacay Coronavirus waxaa ka mid ah isbitaalka Martiini.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay sheegtay in shaybaarro la geeyay Soomaaliya kuwaas oo lagu baaro kiisaska Covid-19. Markii hore, dowladda waxay baaritaanka u soo diri jirtay dalalka deriska ah oo jawaabta dib ugu celin jiray.

Xigasho – BBC Somali

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here