Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee maanta gaaray Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Jabuuti isla mar ahaantaana ay goob joogayaal ka ahaayeen Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa Waxaa uu si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo Hannaanka Dawladdnimo ee daahfuran ee ay ku caano maashay Somaliland, Nabada iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Somaliland, iyo dib lasoo noqoshada gobanimadii halowday lixdankii oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno.
Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in aysan macquul aheyn in la sii waddo wada hadallada hadii aan la fulin qodobadda ay ku heshiiyaan labadda dhinac.

“Maanta sidee ayaynnu u sii wadi karnaa wada-hadalkan haddii heshiisyadii hore ee lagu saxiixay London, Istanbul iyo Djibouti aan weli la hirgalin?” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa su’aashaas waydiiyay madashii shirka Jabuuti.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamud Aaden ayaa sheegay in ay hadda ku kala kaceen wafdiga dawladda Federaalka shirka uga socda Jabuuti, wuxuu sheegay in qodobada Ajendaha iyo fulinta heshiisyadii hore ay dhinacyadu isku qabteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Daacad kama aha, reer woqooyi wadahal. afr nin ayaa meeshaas haysata ee Somali diida. habkii gacan bira loogu qaban lahaa, farmaajio ma fahamsana, awood qaybsiga ay sheegayaan waa maxay? Barlamaanka ayey ku jiraan qoondadoodii, ka badana ma heli karaan, Farmaajana ma siin karo, boqol jeer haduu saxiixo. fadhigaas daacad kama aheyn, wxay u tageen, anna wey kan. hadaba imisa ayey soconeysaa anna wey kan. war xishooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here