Muqdisho (Halqaran.com) – Khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaasi Cabdullaahi iyo ku-xigeenkiisa labaad Mowliid Xuseen Guhaad ayaa soo ifbaxay, kaasi oo salka ku haya go’aankii ka soo baxay guddoonka Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulan uu la qaatay guddiga joogtada ee golaha waxaa uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in loo baahan yahay in la qabto shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, waxaana Go’aankaas kasoo horjeestay Mowliid Xuseen Guhaad guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.

Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu jabiyay xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale, waxa uu sheegay, in Magaalada Muqdisho ay jooggaan 12 Senetor oo kaliya, islamarkaana la doonayay in ay matalaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, laakiin Guddoomiyaha Aqalka Sare uu taa badalkeeda qabtay kulan qaab muuqaalka la iska arko ee Online-ka.

Shacabka ku nool Magaalada muqdisho ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen khilaafka soo kala dhex-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa labaad ee Mowliid Xuseen Guhaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here