Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo banaanbaxayaal Muqdisho kula hadlayay ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan maqaanka Muqdisho iyo hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo hadalka Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Madaxweynaha uu hadalkaas meel fagaaro ah ka sheegay xilli loo baahnaa, iyada oo taasi laga duulanaya maanta loo banaanbaxayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay, in Shacabka Gobolkan looga baahan yahay inay xaquuqdooda ku raadsadaan si nabdoon, hayeeshee aan lagu raadin rabshado iyo buuq, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Filish ayaa ugu dambeyn Shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay is dejiyaan, isla markaana xildhibaannada labada Aqal ay ka sugayaan wax u wanaagsan Shacabka, iyaga oo ka jawaabaya codsigii Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here