Afgooye (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay oo ay ku dhinteen dad badan uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay qabsatay gaari noociisa uu yahay Hoomeey, kaasi oo ka yimid Degmada Afgooye una soo socday Magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya qaraxasi ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 10 ruux, inasktoo suuragal ay tahay tirada inay intaasi ka badnaato, maadaama tirada saxda ah aanan la haynin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in gaariga Caasiga ah ee uu qaraxa qabsaday ay saarnaayeen Ganacsato Khudaar ka soo qaaday Degmada Afgooye, kuwaasi oo u soo socday Muqdisho.

Masuuliyiinta Deegaanka Lafoole iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Ceelasha Biyaha ayaa gaaray goobta gaaray, waxaana socda gurmad iyo tirakoobka dadka qaraxa ku dhintay.

Gaari ay saarnaayeen dad shacab oo qarax miino ah uu qabsado ma ahan markii ugu horreysay, khasaare intaa la egna uu geysto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here