Muqdisho (Halqarancom) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilka sagaalka shaqaale ee Khamiistii shalay loogu gaystay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shaqaalahan oo laga kaxeystay Xafiiska Hay’adda Zamzam Foundation ee duleedka Degmada Balcad ayaa waxaa saacado ka dib meydadkooda la soo dhigay wadada dhinaceeda.

Falkan ayaa waxaa lagu eedeeyay rag ku labisnaa dareyska Ciidamada Militariga, isla-markaana uu wejiyada u duubnaa, iyadoo aan illaa iyo hadda la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin.

Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ahna Iskuwadaha Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa walaac xoogan ka muujiyay afduubka iyo dilka lagula kacay shaqaalahaasi.

Adam Abdelmoula, ayaa sheegay inaanan la aqbali karin dilka ceynkaasi oo kala ah in loo gaysto shaqaale ka shaqeynayay arrimo bani’aadanimo, falkaas oo ka dhan ah buu yiri sharciga caalamiga ah ee arrimaha bani’aadanimadaba.

Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadan ay ku soo aadeyso, xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso xanuunka COVID-19, fatahaado iyo weliba ayax ku habsaday beeraha dalka qaarkood.

“Waa nasiib-darro in weerarkaa uu dhaco, xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka saddexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo Ayax.” Ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Si kastaba ha’ahaatee, dadka qaarkii ayaa waxay weerarkan la xiriirinayan Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Dhexe, dad kalana waxaa ay ku eedeeyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here