Balcad (Halqaran.com) – Shacabka ku dhaqan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay Jimcihii maanta degmadaasi ku qabteen bannaanbax ay ku muujinayan, sida ay kaga soo horjeedaan dil wadareedkii Khamiistii shalay duleedka degmadaasi loogu gaystay Shaqaalihii Hay’adda Zamzam Foundation.

Shaqaalaha ayaa waxaa Xafiiskooda Deegaanka Gololey oo hoos-tagta Degmada Balcad ka kaxeystay rag ku labisnaa dareyska Ciidamada Militariga, xilli ay wejiyada soo daboosheen, iyagoona inta ay dileen meydadkooda soo dhigay wadada.

Dhacdadan ayaa waxaa ka dhashay carro xoog leh, xilli aan si dhaba loo aqoon ciddii ka dambeysay, marka laga soo taggo in siyaabooyin kala duwan loola xiriiriyay askar ka tirsan kuwa Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka reer Balcad oo qaybtood maryo gaduudan/cas ku soo xirtay madaxa ayaa waxay socod ku soo mareen wadooyinka degmadaasi, iyagoo markaasi muujinaya sida ay uga xun yihiin falkaasi naxariista daran.

Odayaasha reer Balcad oo qaarkood xalay ka hadlay dhacdadaasi ayaa waxay si deg deg ahi ugu baaqeen in cadaaladda loo horkeeno dembiile-yaashii dilay shaqaalihii dhalinyarada u badnaa.

Bulshada qaybteeda ayaa is weydiineysa waxa ay macno u sameynayso arxanlaaweyaasha in ay dilaan dad shaqo muhiima u haayay bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here