Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa kasoo horjeestay Kulamo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday Xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi oo looga hadlaayay qaabka loo soo dooran doono.

Shir ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa Golaha Wasiirada Somaliland ayay ku sheegeen in aysan ma talin dadka ku sugan Muqdisho, islamarkaana aysan qeyb ka aheyn doorashada Soomaaliya.

”Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midowga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya deegaannada Somaliland”

Sidoo kale, war kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa lagu yiri  “Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Iyagu yey matalaan, sharci darro ayey ku joogaan, afar nin oo jabhad qabiil ah ayaa haysata, war waxaan hala karbaasho, Buuhoodle waa in dowladu ciidan geysaa, walaahi in aadan ka maqli doon affka ay hadda ku hadlayaan. nacaskaas afka weyni inta uu gedo ciina u daabulayo, muu buuhoodle geeyo, walaahi burcey ka bixi lahaayeen, iska daa aqoonsi raadis e, war waa lagaseexday dadkaan, wax is moodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here