Garowe (Halqaran.com) – Mas’uuliyiinta dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xallin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaabi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Mas‘uuliyiintan ayaa ku kala booday kala qeybsiga awoodda iyo maamulka Puntland, wuxuuna ismaandhaafkooda soo xoogeysanayay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha dalladda bulshada rayidka ee Puntland Feysal Axmed Warsame oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa rajo ka muujiyay in ay ku guulstaan waanwaan ay ka dhex wadaan labada mas’uul.

Kulamo ay la kala yeesheen ayuu sheegay “inay labaduba ku muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay soo afjaraan farqiga u dhaxeeya”.

“Annagu markii hore shir baan yeelannay, haddii aan nahay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana go’aan ku gaarnay inaan arrintaas galno, markii aan u tagnay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka labadaba waxaan kala kulannay soo dhaweyn iyo qadarin. Waxaan ka wada hadalnay in xiisadda la dajiyo oo ay iyagu wadahadlaan, sidaasna waxay nooga ballan qaadeen inay heshiiyaan,” ayuu yiri Faysal.

Wuxuu intaasi ku daray, “Waxaan u sheegnay inay yihiin madaxdii lasoo doortay oo looga fadhiyay inay horumar gaarsiiyaan siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here